diraac
(m.dh)

1. Afaarta xilli oo sanadku u qaybsamo, mid ka mid ah oo u dhexeeya dayrta iyo guga; jilaal. 2. Xilli barwaaqo ah oo guga bartamihiisa ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diraac

aadiraac [m.l]
Dhicinta uu neef markaas rimay dhiciyo; qubeys.

kaadiraac [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
K. ah: dhicis yar oo aan cad iyo laf yeelan ee xinjir ah.

kaadiraaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dhicis aan cad iyo laf toona laheyn dhicin.

kaadiraacin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg kaadiraaci. ld kaadiraacis.

kaadiraacis [m.l]
ld kaadiraacin.

beergoys [m.l]
Xilliga dalagga beeraha la gooyo oo ku beegan bilowga xagaaga iyo diraacda (jiilaal).

dambarsame [m.l]
Lixda bilood ee dayrta iyo diraacda oo dayaxu uusan dirirka la fariisaneyn (Baladambarsame). ld damba- same.

dayr [m.dh]
Afarta xilli ee sannadka u qaybsamo middood, roob leh una dhexeeya diraacda iyo xagaaga.

deyradhaaf [m.l] (-fyo, m.dh)
Bartamaha xilliga diraacda oo ah waqti aad u dhaxan badan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg