dirid
(m.f.dh)

eeg dir². ld diris.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dirid

xaadirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaadir². xaadir

saar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax meel dhulka ka sarreysa dhigid. 2. Ka s.: wax meel ka bixin. 3. Ku s.: meel col u dirid.

dhiib [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-bay, -btay)
1. (f.g) Wax la hayo qof kale gacanta u gelin. 2. (f.g) Lacag, mushaar, deyn iwm bixin. 3. (f.mg) Is dh.: cid isu gacan gelin. 4. (f.mg) U dh.: cid wax u dirid.

dhoofi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof dal kale u dirid. 2. Badeeco dal kale u iibgeyn.

diris [m.dh]
ld dirid.

hagaaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax toosin ama wanaajin. 2. (f.mg) Ku h.: wax meel uu u socdo ku toosin. 3. (f.mg) Ku h.: warqad, farriin, alaab iwm cidda ay u socoto meesha laga heli karo u dirid.

horkeen [Fal Gudbe/Labagudbe1 | Verb Transitive/Bitransitive1] (-nay, -ntay)
1. (f.lg) Qof wax hor dhigid. 2. (f.g.) Ka h.: laba qof is tusid. 3. (f.g) Iska h.: dad isku dirid.

khabaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
U k.: cid war u dirid ama u sheegid.

musmaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Musmaar wax iskula dhejin. 2. Ku m.: cid,cid kale ku dirid. ld musbaar².

dir [m.l]
Dad ama xoolo isku asal ah oo meel ka soo wada jeed; jaad; dhur.

dir [m.l] (-rar, m.l)
(baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolayaasha, taasi oo ka kooban hal ama in ka badan oo isku eg. Dirarka isu eg waxa loo kooxeeyaa faylan ahaan.

dir [m.l] (-rar, m.l)
(nax.) Waxaa lagu magacaabaa koox ereyo ah oo wadaaga hal ama dhawr dabeecadood, sida magacyada.

dir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax meel joogay ama yiil meel kale aaddin. 2. Ku d.: qof, qof kale xumaan uga dheegid si uu ula colloobo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg