dixi
(m.dh)(bot.) Cawska xooluhu daaqaan kuwa ugu nafaqa badan mid ka mid ah, jilicsan oo meelaha biyo-qabatinka leh ka baxa. ld duxi¹.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dixi ↴
adaadixid [m.f.dh]
eeg adaadax².
culaacul [m.dh] (-lo, m.l)
1. Nafley yar oo biyaha balliyada ku dhex nool oo dixiriga la bah ah, oogo jilicsan iyo xubno leh, oo nuugta dhiigga nafleyda kale ee biyaha kula nool iyo dadkaba. 2. Gacanta meesha ay iska galaan calaacasha iyo dhudhunka.
dhase [m.l]
Nooc dixiriga ka mid ah, ka dhasha meelaha ay wasakhda ku ururto oo xoolaha iyo dadkaba jirkooda gala.
dhuudhi [m.l]
1. Dixiri dadka ka gala cagaha oo ka dhasha meelaha muddo dheer la degganaa. 2. Xanuun jirka saaqa marka dab, nabar iwm gaaraan.
dirxi [m.l]
ld dixiri.
dixiri [m.l]
Dulin xamaarta, noocyo badan, lafo iyo lugo lahayn oo oogadiisna xibnoxibno u qaybsantahay. ld dirxi, dixri, tirxi, tixiri, tixri.
dixri [m.l]
ld dixiri.
duxi [m.dh]
ld dixi.
gaaroodi [m.l]
Dhul didib ah, bannaan oo ay ka baxaan dhir dhaadheer oo teelteel ah iyo dixin.