diyaarad
(m.dh)

ld dayuurad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diyaarad

haadi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Badar la tumay buunshe ka saarid. 2. Haad cayrin. 3. Diyaarad kicin. 4. Gacan h.: gacan ruxid oo salaan ama baaq looga golleyahay. ld haati. haati

raac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday)
1. (f.g) Cid socod ku wehelin. 2. (f.g) Waddoqaadid. 3. (f.g) Diyaarad, baabuur iwm oo socda fuulid. 4. (f.g) Bahal iyo dayac xoolo ka ilaalin. 5. (f.g) Cid cayrsasho. 6. (f.mg) Ku r.: cid ra'yi iwm la oggolaan. 7. (f.mg) La r.: xoolo iwm garaacid. waddoqaadid

baarashuud [m.l] (-dyo, m.dh)
Dallad weyn, maro ka samaysan oo diyaaradaha looga soo boodo.

dayuurad [m.dh] (-do, m.l)
Gaadiid hawada mara, rakaabka iyo xamuulka qaada, jaad ka mid ahna lagu dagaallamo. ld dayaarad, diyaarad.

duul [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-uulay, -uushay)
1. Diyaarad, shimbir iwm hawada dhexdeeda marid. 2. Diyaarad iwm ku safrid.

duuliye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof diyaaradaha wada.

duullimaad [m.l]
Ku socoshada diyaarad, shimbir iwm hawada ku dhex socdaan.

duullimaad [m.l]
Ku socoshada diyaarad, shimbir iwm hawada ku dhex socdaan.

helikobtar [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-rro, m.l/dh)
Nooc ka mid ah diyaaradaha oo qumaati u kaca.

diyaar [m.l]
D. ah: wax u darban in ay wax qabtaan ama lagu qabto.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg