diyaarsan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)Wax la diyaariyey ama is diyaarshey ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diyaarsan ↴
diyaarsanaan [m.f.dh]
eeg diyaarsan. ld diyaarsanaansho.
diyaarsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld diyaarsanaan.
kiloogaraam [m.l] (-mo, m.dh)
Summad: Kg. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee cufka loona qeexo cuf le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna keydiyo waaxda keydinta cabbirka iyo misaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis. Muunadda caalamigu waxa ay ka samaysan tahay dhululubo jooggeedu le'egyahay dhexroorkeeda kana diyaarsan iskudhaf ka kooban 90% balaatinum iyo 10% iridiyam.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg