diyo
(m.dh)Hanti ku waajibtay qof cid dilay oo la siiyo ehelada qofka laga dilay.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh diyo ↴
baadiyoobid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg baadiyow. baadiyow
baadiyow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Baadi noqosho.
raadiyografi [m.l] (-iyo, m.dh)
(daaw.) Raajada cuduraqoonsiga. Farsamada baari-taanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo fallaraha ekis (x-rays), waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcaloo-leed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.
raadiyoom [m.l] (-mmo, m.dh)
(kiim.) Curiye bir ifta ah oo ah kaahfale cad, kana tirsan ururka alkalayn-dhuleed. Waxa ay leedahay dhawr iskugod oo cimri gaaban iyo hal iskugod oo cimri dheer kaas oo ah raadiyam-226 (cimri-badheedkeeduna ya-hay 1602 sano).
raadiyow [m.l]
ld raadiye.
adiyo [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'iyo'.
aydiyolooji [m.l]
(fals.) Mabaadii habeysan oo ku saleysan figrado iyo ujeeddooyin siyaasi ah. ld aydiyooloojiyo.
aydiyooloojiyo [m.dh]
ld aydiyolooji.
ekokardiyogaraafi [m.l]
(daaw.) Isticmaalka mawjado ultrasawnd ah si loo ogaado shaqada iyo garaaca wadnaha.