doco
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-cday, -cotay)1. Saxaro adkaatay xoog isaga keenid; jiirasho. 2. Jiirasho (nafley dhaleysa). ld duco².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh doco ↴
docogeysi [m.l]
Tuugidda.
docol [m.l]
Jaad geedaha ka mid ah oo mareerka u eg oo miro la cuno leh.
docosho [m.f.dh]
eeg doco. ld ducasho.
ducasho [m.dh]
ld docosho.
duco [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-cday, -catay)
ld doco.
feeragashi [m.dh]
Derin, raar iwm oo weyn oo aqal soomaaliga labada docood ama mid laga geliyo marka la dhisayo.
madag [m.dh] (-dko, m.l)
Qori gaaban oo sida badan geedka docolka, mareerka iwm laga qoro oo inta dhexda fantax yar looga yeelo ul yar oo af siman leh lagu fariisiyo, kaddibna xoog loo xurbiyo ilaa uu dab ka dhasho.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg