doobbo
(m.dh)1. geesaha fiiqfiiqan oo dhaadheer oo lo'da. 2. ld doob².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh doobbo ↴
abashuqle [m.l]
Guux iyo abur uu afka ka keeno awr doobbo soo ridi waayey. ld aburshuqle.
doob [m.dh]
Cad yar, qaab kiish leh, cod weyn bixiya oo awrkaqooqani afka soo rido; gulgulo. ld doobbo.
doobbagoray [m.l] (-yo, m.dh)
ld doobbogoray.
doobbogoray [m.l]
Awrka aan weli doobbada soo ridan. ld doobbagoray, doobgoray.
doobgoray [m.l]
ld doobbogoray.
gulaal [m.l]
1. G. ah: awr aan doobbada soo ridi karin; gorayciil; doobbogoray. 2. G. ah: nin aan codkar ahayn. 3. ld gulaalid.
gulaalan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lmay, -lantay; -lmi)
1. Wax doobbo ka soo dhici weyday noqosho (awr). 2. Wax iin lug ku leh noqosho (neef geel).
gulaalan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-lnaa, -lnayd)
1. Wax doobbo ka soo dhici weyday ahaansho (awr). 2. Wax iin lug ku leh ahaansho (neef geel).
gulguladillaacso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Awr qoor ah doobbo soo ridid bilaabid. 2. Qof codkar ah noqosho.
doob [m.l] (-bab, m.l)
Nin aan weli guursan.
doob [m.dh]
Cad yar, qaab kiish leh, cod weyn bixiya oo awrkaqooqani afka soo rido; gulgulo. ld doobbo.