doog
(m.l)1. Caleenta iyo cawska cusub ee uu roobka soo saaro; naq; tigaad. 2. Xilli roob da'ay, dhulku cagaaranyahay dadka iyo xooluhuna baraare ku jiraan. ld doogaad.
doog
(m.dh)1. Soo laba kacleynta uu soo laba kacleeyo nabar hore u biskooday. 2. D. ah: biyo cirka ka yimid oo weel loo hoorsaday. 3. ld daab².
doog
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gay, -gtay)1. Nabar hore u biskooday mar labaad soo kicid. 2. Roob da'aya weel u hoorsasho (qof).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh doog ↴
daab [m.dh]
1. Cudur leh shuban oo ku dhaca
dhasha xoolaha markay dambar badan
nuugaan. 2. ld doog². doog
aaran [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Geela intiisa aan weli gaarin da'dii uu ku rimi ama wax ku rimin lahaa. 2. Doog iyo barwaaqo badan. 3. Aa. ah: meel doog badan leh. 4. Aa. ah: waqti doog iyo barwaaqo leh.
adooga [m.l]
Aabbe.
arammi [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Xanuun ka dhasha nabar hore oo aan si dhab ah u biskoon; doog(ta).
barwaaqo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Nolol aan cudur, gaajo iwm lahayn. 2. (w) Waqti roobeed oo uu dhulku doogganyahay.
cagaar [m.l]
1. Midab u eg kan caleenta iyo cawska marka ay dooganyihiin. 2. Doog. 3. Qudaar.
carun [m.l]
1. Dhiig guduudkiisu yaryahay. 2. Doog yar oo markaa soo baxay.
dhalan [m.l]
1. Dabeecad. 2. Dir, fir, sinji. 3. Muuqal. 4. Caws waaweyn oo aad u dheeraada. 5. Geedo doog leh.