doogee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-geeyay, -gaysay)

Nafley nabar doog reeba ku dhufasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh doogee

doogayn [m.f.dh]
eeg doogee.

doog [m.l]
1. Caleenta iyo cawska cusub ee uu roobka soo saaro; naq; tigaad. 2. Xilli roob da'ay, dhulku cagaaranyahay dadka iyo xooluhuna baraare ku jiraan. ld doogaad.

doog [m.dh]
1. Soo laba kacleynta uu soo laba kacleeyo nabar hore u biskooday. 2. D. ah: biyo cirka ka yimid oo weel loo hoorsaday. 3. ld daab².

doog [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Nabar hore u biskooday mar labaad soo kicid. 2. Roob da'aya weel u hoorsasho (qof).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg