doon
(m.dh) (-oomo/-nyo, m.l)Gaadiid badeed shiraac leh oo markabka ka yar bedenkana ka weyn; xaryan. ld doonni.
doon
(m.l)1. Xoolo tabar yar oo aan aroor dheer geli karin. 2. Meel dhulka inyar ka yara kacsan. 3. Ciidda iyo dhoobaha ceelasha dhaadheer hoostooda laga soo saro.
doon
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-oomay, -oontay; -oomi)1. (f.g) Ceel dhoobo ka soo saarasho. 2. (f.mg) Xoolo iwm caatoobid.
doon
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-nay, -ntay; -ni)1. Wax rabid. 2. Wax raadin. 3. Gabadh guur laga doonayo reerkooda weydiisasho.
Soohad, soohdoon, soohdeen, tidcay, tidcadeen*
Heblaayo timiihii Beey soohatay hablihii timiihii Baa loosoohay…wiilkii Timiihii Buu soohday heblayo timiihii Baa loo tidcay timiihii Baa loo dabay gabdhihii timihii Baa loo tidcay,dumarka qaarkood iyagaa tidcadeen timahooda,iyagaa timahooda dabtay iyagaa timaha soohatay.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh doon ↴
aakhiro [m.dh]
Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.
aakib [m.l]
1. Ka aa. ah: faa'iidada laga rajeynayo
fal lagu dhaqaaqi doono. Tus. “Samaynta
Warshadda Saabuunta waxa ka aa. ah in ay
joogsato tii dibadda ka imaneysay oo lacagta adagi ku baxaysay”. 2. Ka aa. ah: mudnaanta uu wax, wax kale ka leeyahay. Tus. “Tiro badan waxaa ka aa. ah tayo”.
oddoros [m.l]
1. Qiyaas lagu maleeyo roob meel durugsan ka da'ayo. 2. Cilmi lagu male-awaalo waxa mustaqbalka dhici doona.
caabbiri [m.l] (-iyo, m.dh)
Jaadadka doonyada shiraaca leh midda ugu yar oo qaadi karta toddobaatan ilaa afar boqol jawaan.
oddoros [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Roob muuqda meeshuu ku da'ayo qiyaasid. 2. Mustaqbalka waxa dhici doona ama soo socda maleawaalid.
yaasiinmaddoone [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
eeg Marsoobax. marsoobax
baadiddoon [m.l]
1. B. ah: cid baadi luntay raadinaysa. 2. ld baadiddoonid. baadiddoonid
baadiddoon [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
1. Raadin wax lumay la raadiyo. 2. Baadi raadin. ld baadiggoob². baadiggoob
baadiddoonid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
baadiddoonid m.f.dh eeg baadiddoon². ld baadiddoon¹ (2), baadiddoonis, baadiggoob¹, baad baadiddoon, baadiddoonis, baadiggoob, baad
baadiddoonis [m.dh]
ld baadiddoonid. baadiddoonid