doori
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Siduu ahaa maahee si kale ka dhigid; wax wax kale dhaafin; beddelid. 3. Sarrifid (lacag).
doori
(m.l)Ilmo yar, lo'ah oo aan hooyadii lala nuugin.
doori
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iyay, -isay)1. Ilmo yar oo lo'aad hooyadii siduu doono u nuugid. 2. Wax si xun ka dhigid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh doori ↴
maandoori [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid maankeeda beddelid.2. Qof sakhraamin.
maandoorin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maandoori.
maandooriye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Waxyaaba miyirka qofka lumiya sida khamriga, xashiishka iwm; mukhaddaraad.
abaaldooris [m.l]
Samafal la isu galay oo xummaan lagu beddelo.
beddel [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-elay, -eshay)
Wax la beddelay ka dhigid; wax wax kale ku doorin. ld baddal².
daynaamiko [m.dh] (fiis.)
Qayb ka mid mekaanikada oo la xiriirta xoogagga dooriya ama abuura socodka walxaha. ld dinaamiko.
dhalandoori [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax dhalankooda beddedid.
dhalandoorin [m.f.dh]
eeg dhalandoori. ld dhalandooris.
dhalandooris [m.l]
ld dhalandoorin.
door [m.l] (-rar, m.l)
1. Wax xul ah. 2. In d. ah: wax aan la tirin karin oo qiyaas ahaan badan. 3. ld doorid.