doox
(m.l)

1. Saxaro jilicsan oo ay nafleydu dhigaan marka ay cunaan ama cabaan waxyaabo caloosha kiciya; shuban. 2. (-xyo, m.dh) Dhul godan oo biyo mareen ah; tog. 3. ld dooxid.

doox
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-xay, -xday)

Wax af leh calool nafley ku dhufasho si uur-kujirtu uga soo dhacdo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh doox

gaade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
1. Col yar oo hubaysan oo isu raaca in ay wax dilaan; dooxato. 2. Xanuun sambabada wareema.

oogo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Jirka sare ee nafleyda. 2. Dhulka meeshiisa aan cadduun iyo dooxo ahayn. 3. Wax dushood sare. Tus. “Buurta oogadeeda”.

ummuladdoox [m.l] (-xyo, m.dh)
1. Dilaa aan cidna u nixin oo wuxuu arkaba dila. 2. Colaad aan cidna la reebin.

uurdoox [m.l]
Cunugga aan sida caadiga ah u dhalane bogga hooyadiisa laga soo saaray; bogdoox.

uurxaad [m.l]
Geednagaar dooxooyinka ka baxa oo xooluhu daaqaan.

bogdoox [m.l]
1. Wadiiqo toos ah oo ka leexaato waddo weyn. 2. Weeraridda cadow dhinac laga weeraro. 3. Qalliin lagu sameeyo haweenka dhali waayey iyadoo dhinac laga soo saarayo ilmaha. 4. ld bogdooxid.

bogdoox [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
1. Cadow iwm dhinac ka wareemid. 2. Haweeney si caadi ah u dhaliweydey si ilmaha looga dhaliyo caloosha dhinac ka qalid.

bogdooxid [m.f.dh]
eeg bogdoox². ld bogdoox¹ (4).

carraggoo [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-ooyay, -oysay)
1. (f.g) Socdaal ugu horrayn. 2. (f.mg) Beer dooxyo u yeelid.

cirdoox [m.dh]
Roobdoon geed la fuulayo oo suuratul Huud la akhrinayo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg