dooxo
(m.dh) (-ooyin, m.l)Dhul hooseeya oo dhinacyada buuro ama dhulal sarreeya ka xigan.
dooxo
(m.dh) (-ooyin, m.l)(juqr.) Godan dhuuban, dheer oo dhulka korkiisa ah, oo badanaa leh tiiro hoosaad caadi joogto u ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dooxo ↴
oogo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Jirka sare ee nafleyda. 2. Dhulka meeshiisa aan cadduun iyo dooxo ahayn. 3. Wax dushood sare. Tus. “Buurta oogadeeda”.
uurxaad [m.l]
Geednagaar dooxooyinka ka baxa oo xooluhu daaqaan.
dabro [m.dh]
1. Geed nagaar dhulka ku faalada, laamo dhuudhuuban oo jilicsan leh, xooluhu daaqaan oo dooxooyinka ka baxa. 2. (-ooyin, m.l) Weerar rogaal celis ah.
dareemo [m.dh]
Caws dhaadheer, oo ka baxa bannaanka iyo dooxoyinka oo gammaanka, geelu jecelyihiin. ld dareeme (3), dureeme, dureemo.
dooxo-daldalan [m.dh] (-ooyin ..., m.l)
(juqr.) Waadi laageed ku darma waadi weyn, laagtaas oo ka soo dhacaysa meel joog door ah ka sarraysa waadiga weyn, sidaas darteed biyaha ku qulqulaya waadi laageedkaas waxay ku galaan waadiga weyn si biyo dhac ama daadag ah. D.ooyinka ama waadiyaasha daldalan waxay caan ku yihiin dhulalka socodka baraf weynuhu uu gooyay.
dooyo [m.dh]
1. Col ilaala ah; duul; dad. 2. Caws waaweyn oo dooxooyinka ka baxa oo ay xooluhu daaqaan.
dulbaax [m.dh]
1. Xuub jilicsan, cad oo haragga iyo hilibka u kala dhexeeya. 2. Hilib aan marax ahayn. 3. Dooxo.
dunqaaro [m.dh]
1. ld dunqaare. Caws dhaadheer oo dooxooyinka ka baxa. 2. Waxa Eebbe abuuray ee aan dadka ahayn.