dub
(m.l) (-bab, m.l)1. Maqaar, harag iwm. 2. Qolof adag oo ay dusha ku yeeshaan geedaha ama miraha qaarkood.
dub
(m.l) (-bab, m.l)ld dib¹.
dub
(m.l)(c.nafl.) Qaybta adag ee weliba ah lakabka ugu hooseeya ee aragga lafdhabarleyda. Lakabka kale waad.ka bare. Haraggu wuxuu ka koobanyahay nudo isku xidhayaal miiqan, kuwaas oo ay ku dhex jiraan dhuumaha dhiiggu, (dhammaadka dareenwadka iyo naasleyda) goonka tina ah, qanjidhada dufanka iyo narinnada dhididka.
dub
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)Hilib iwm dab ku solid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dub ↴
daabax [m.l]
1. D. ah: neef xoolo ah oo qalliin ku habboon. 2. D. ah: hilib aan tamooti ahayn. 3. ld daabaxid. ld dabaax¹, dabax¹, dibaax, dubaax. daabaxid, dabaax, dabax, dibaax, dubaax
baabila [m.dh] (-ooyin, m.l)
(baay.) Soobaxyo uu jidhku leeyahay oo u soo baxa dub duleedka lafdhabarleyda, kuwaasi oo kordhiya halka ay iskaga yimaadaan laba nudood.
laablaabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
1. Wax isku dubbaridasho. 2. Wax xeeladayn. 3. Wax ka warwareegid. ld laallaabo.
ol'ole [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Isku dubbarididda si dhakhso ah la isugu dubbarido hawl, arrin iwm. ld olole.
qaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.
sabaayad [m.dh] (-do, m.l)
Kimis balballaaran oo si gaar ah looga dubo bur; burkaaki jabbaati.
taawo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. ld daawe, daawo ¹, taawe. Weel bir ah oo wareegan siddana leh oo wax lagu dubo ama lagu shiilo. 2. Xayrta geela.
udub [m.l] (-dbo, m.l)
1.Tiir xooggan, farraarro leh oo dhismaha aqal soomaaliga lagu adkeeyo. 2. Tiirar badan oo meel wada yaal. 3. Summad geela lagu dhigo, qaab udub kor u jeeda ah leh oo meelo kala duwan looga dhigo; kabaal. 4. Dhigo.
udubcad [m.l]
Qoys markaas aqal galay.
udubdhexaad [m.l] (-do/-dyo, m.dh)
Udub dheer oo aqlka dhexdiisa la suro si uu u adkeeyo dhismaha aqalka.
d [m.dh]
(da') Xarafka afaraad ee xurufta
soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2).