dubid
(m.f.dh)eeg dub².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dubid ↴
halaammacoodi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax iyadoo aan la bisleynayn dab ku dubid. ld halaammacee.
halci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Hilib olol ku dubid.
maxammas [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Bun beerkii iyo qasharkii dubid.
muufee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -faysay)
Cunto meel god ah ama dhismo loogu talagalay oo kulul ku dubid ama ku shiilid. ld moofee.
qalwi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Hilib iwm holac ku dubid. 2. Weel iwm holac ku diirin. 3. Fuud, dawo iwm nafley afka uga shubid. ld halwi.
xammis [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Bun saloolid ama dubid.
dub [m.l] (-bab, m.l)
1. Maqaar, harag iwm. 2. Qolof adag oo ay dusha ku yeeshaan geedaha ama miraha qaarkood.
dub [m.l] (-bab, m.l)
ld dib¹.
dub [m.l]
(c.nafl.) Qaybta adag ee weliba ah lakabka ugu hooseeya ee aragga lafdhabarleyda. Lakabka kale waad.ka bare. Haraggu wuxuu ka koobanyahay nudo isku xidhayaal miiqan, kuwaas oo ay ku dhex jiraan dhuumaha dhiiggu, (dhammaadka dareenwadka iyo naasleyda) goonka tina ah, qanjidhada dufanka iyo narinnada dhididka.
dub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Hilib iwm dab ku solid.