dubo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-btay, -batay)Cunto raran ku bislaysasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dubo ↴
sabaayad [m.dh] (-do, m.l)
Kimis balballaaran oo si gaar ah looga dubo bur; burkaaki jabbaati.
taawo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. ld daawe, daawo ¹, taawe. Weel bir ah oo wareegan siddana leh oo wax lagu dubo ama lagu shiilo. 2. Xayrta geela.
birdaawe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
Weel fidsan oo bir ah, leh dheg la qabsado oo canjeerada iwm. lagu dubo; birlaxooxeed. ld birdaawo, birtaawe, birtaawo.
birilaxooxeed [m.dh]
Weel bir ah, fidsan, culus, dheg la qabsado leh oo laxooxda lagu dubo.
canjeelo [m.dh]
Cunto jilicsan, taawo lagu dubo, ka samaysan badar riqdan oo bur lagu cajiimay; cambaabur; canjeero. ld canjeero.
dabsaar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Sabuulka isagoo aan bislaan oo weli curdan ah beerta laga gooyo, ka dibna inta god lagu guro la dubo. 2. Weel kasta oo dab la saaro.
dubasho [m.f.dh]
eeg dubo.
dube [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
Xeero qaab qabaal leh oo marka raran lagu shubo, miraha qaarkood lagu dubo sida digirta, meseggada iwm; qaloondub. ld dubaale.
foorno [m.dh] (-ooyin, m.l)
Tinaarka rootiga lagu dubo.
du [f.a ]
eeg duw.