duco
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Oraah Eebbe khayr lagaga dalbayo.

duco
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-cday, -catay)

ld doco.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duco

raaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax socda wax kale ku darid. 2. Xoolo cid ilaalisa u yeelid. 3. Habaar ama duco cid ku larid. ld raacsii. raacsii

nabaaddiinaxir [m.l]
(dii.) Duco ama quraan loo akhriyo si wax lumay Eebbe u badbaadiyo; xirsixir.

nabaaddiinaxir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Wax lumay quraan ama duco u akhriyid si Eebbe u badbaadiyo.

nabaaddiino [m.dh]
1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.

tacdaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
(dii.) Ku t.: neef duco darteed u qalid. ld tadcaar², tamcaar².

arbucuun [m.l]
Quraan ama duco loo akhriyo xoolo lumay si Eebbe bahal iyo tuug uga badbaadiyo.

arbucuun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
Xoolo lumay si Eebbe bahal iyo tuug uga badbaadiyo quraan ama duco u akhrin.

daakiraad [m.dh]
1. Addinka iyo ducooyinka la akhriyo arooryada hore. 2. Waqtiga addinka arooryada hore.

dariiqo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Jameeco wadaaddo ah, leh maamul, digri iyo ducooyin u gaar ah, kuna abtirsata shiikh weyn.

doco [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-cday, -cotay)
1. Saxaro adkaatay xoog isaga keenid; jiirasho. 2. Jiirasho (nafley dhaleysa). ld duco².

du [f.a ]
eeg duw.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg