duhur
(m.l)

1. Waqtiga u dhexeeya harka ilaa casarka. 2. Salaadda xilliga la tukado.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duhur

baqool [m.l]
Safar duhurkii la socdo; dhalandhool. ld baqoolid.

baqoole [m.l]
Socodka duhurkii la socdo. ld baqoolid.

baqooli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley, duhur socodsiin. ld baqoolsii, boqooli, boqoolsii.

barqo-kulul [m.dh]
Waqtiga duhurka ka horreya oo cadceeddu aad u kulushahay.

casar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Waqtiga u dhexeeya duhurka iyo maqribka. 2. Salaadda la tukado waqtiga casarka. ld casir.

dhayuure [m.l]
Kulaylka qorraxda ee waqtiga duhurka. ld dhayuurad.

duhur-kulul [m.l]
Xilliga u dhexeeya 1-da duhurnimo ilaa 2-da.

duhurnimo [m.dh]
Duhur ahaansho.

duhursasho [m.f.dh]
ld duhurso.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg