dul
(m.l) (-lal, m.l)1. Labada dalool ee sanka middood. 2. Dalool kasta oo yar.
dul
(m.dh) (-llo, ml.)1. Oogada sare ee wax kasta leeyihiin. 2. Meel sare oo dhulka intiisa kale ka yara kacsan. 3. Sabir iyo adkeysi dhibaato loo yeesho.
dul
(m.dh) (-llo, m.l)(juqr.) Aad u fidsan, waa heer ama ugu badnaan heer meeleed oo dhul dheer, dhul sare ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dul ↴
baabila [m.dh] (-ooyin, m.l)
(baay.) Soobaxyo uu jidhku leeyahay oo u soo baxa dub duleedka lafdhabarleyda, kuwaasi oo kordhiya halka ay iskaga yimaadaan laba nudood.
daabdulle [m.l]
Bir dhuuban oo koorta ilaheeda lagu dalooliyo.
daaddeg [m.l] (-gyo, m.dh)
(juqr.) Qayb ka mid ah webiga oo socoshada biyaheedu ay ka dheerayso socoshada caadiga ah ee biyaha. Waxa laga yaabaa inay sababto tiirada oo janjeerkeedu si kedis ah kor ugu kaco, ama adkaysiga dhadhaabaha biyuhu dul marayaan oo aan isla ekayn.
gaallisee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-seeyay, -seysay)
1. Durbaan la garaacayo tallaabo la helid. 2. Cid ku dul wareegid.
kaahin-birlabdanabeed [m.dh]
(fiis.) Hirar tamareedka ka dhasha saxaro danabaysan iyo badada danab iyo badada birlabta ee la xiriira. Hirarka kaah birlabdanabeedku uma baahdaan dululaati ay ku dhex baahaan.
kaahin-dulmadow [m.dh]
(fiis.) Kaahinta kuleed ee ay dulmadow bixiso heer kasta ee heerkul, lehna filiqsanaan tamareed oo leh muuqaalka jeegaanta.
maangaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Qof wax uu rabo isaga oo aan sheegin fahmid. 2. Arrin laga hadlay dulucdeeda fahmid.
raar [m.l] (-rar, m.l)
1. Gogol caws ka samaysan oo dun lagu xardhay. 2. Dhismo kor u dheer oo dusha sare lagaga deday qoryo, caws iwm oo laga fuulo, bahalaha, qaniinka, kaneecada iwm. 3. Qoryo, dhagxaan iwm oo la is dul saaray oo sallaan ahaan loo adeegsado. 4. Qoryo ceelka afkiisa lagu dadbo.
Rabbi [m.l]
Weynaha dunida iyo waxa ku dul nool oo dhan abuuray; Alle; Eebbe.
saar [m.l] (-rar, m.l)
1. (bot.) Dhirta faalasha nooc ka mid ah oo caleemo yaryar iyo laamo jilicsan leh oo geedaha ku dul faafa geeluna aad u jecelyahay. 2. Cayaar jaadad badan u kala baxda oo siyaalo kala duwan loo tumo; saar-lugeed, saar-mooye.
d [m.dh]
(da') Xarafka afaraad ee xurufta
soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2).