dulalaati
(m.l)

Dalool yar, ka bannaan wax is haysta ama jiq oo cirku muuqdo. ld dululaati.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dulalaati

dululaati [m.l]
ld dulalaati.

habdhis-kulan [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) Qaanuun, bar kasta oo ku taalla dulalaati lagu muujiyo urur tirooyin ah.

joometeri [m.l]
(xis.) Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto adkeyaal, dulo, xarriiqyo, xoodad, iyo baro ku yaalla dulalaati. Tusaale ahaan joometeriga waxa ay la xiriirtaa cabbiridda iyo xisaabinta xagallo u dhexeeya xarriiqyo toosan, astaamaha asaasiga u ah goobooyinka iyo xiriirka ka dhexeeya xarriiqyo iyo baro ku yaalla sallax.

kulan [m.l]
(xis.) Urur tirooyin ah oo lagu muujiyo bar ku taalla dulalaati. Bar maguuraan ah oo la yiraahdo unugga iyo xarriiqyo maguuraan ah oo la yiraahdo dhidibbo ayaa tixraac ahaan loo adeeg-sadaa.

shuhub [m.l]
(c.fal) Gabal ka soo go'ay maatar adag oo soo galay gibilka qaybtiisa sare kana yimid dulalaati sare,lagana arko dhulka, ilays ka dhasha isxoqidda isaga iyo hawada uu soo dhexmarayo awgeed.

tub [m.dh]
(c.fal.) Jidka ay maraan walxaha samaddu marka ay dulalaatiga dhex jiirayaan iyadoo loo fiirinayo bar la doortay. Tubta dhulku waa jidka uu maro dhulku marka uu ku meereysanayo qorraxda.

xawaare ileys [m.l] (-syo, m.dh)
(fiis.)Summad C. Xawaaraha ay ku baahaan hirarka birlabdanabeedka maraaya dulalaati madhan, kaas oo ah madoorsoome fisikeed, le'egna 2.997.925 x 10(8) m/s, waxana loo yaqaanaa madoorsoomaha birlabdanabeed.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg