duleed
(m.l) (-dyo, m.dh)

1. Agagaar. 2. Wax gadaashiis dambe.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duleed

baabila [m.dh] (-ooyin, m.l)
(baay.) Soobaxyo uu jidhku leeyahay oo u soo baxa dub duleedka lafdhabarleyda, kuwaasi oo kordhiya halka ay iskaga yimaadaan laba nudood.

adhaxle [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(baay.) Faylam xayawaan oo leh adhax duleed oo ay dhexda ugu jirto xangulle dareen wade, heerarkooda kobcinta qaarkood waxay leeyihiin adhax dabacsan iyo dalool waafiyeed oo u furan dalqada. Waxa jira faylam hooseed, kuwaas oo kan ugu weyn loo yaqaan lafdhabarley. ld araxle.

alotarobi [m.l] (-iyo, m.dh)
(kiim.) Qaababka kala duwan ee curiye yeelan karo; kuwaas oo ku kala geddisan astaamaha duleed; inkasto ay sameeyaan iskudhisyo kiimikaad oo isku mid ah. Tusaale ahaan, salfartu waxay leedahay dhawr jinsi oo qaab ahaan kala duwan.

artaraboodha [m.l] (-ooyin, m.l)
(baay.) Faylam ka tirsan xayawaanka laf dhabarla'da oo ka kooban in ka badan hal milyan oo sinji. Waa faylamka ugu ballaadhan ee boqortooyada xayawaanka. Artaraboodhuhu waxay ku noolyihiin biyaha macaan, badaha iyo dhulalka kala duwan. Astaan ahaan artaraboodhuhu waxay leeyihiin dub sare oo loo yaqaanno toxob, kaas oo dabool adag u ah qalfoof duleedka. Koritaankooduna waxa uu suurtaggal yahay oo keliya xilliga xuub siibashada.

birlabnimo-duleed [m.dh]
(jool., fiis.) Astaamaha birlabeed oo uu muujiyo dhulku, kuwaas oo dhulka keenay inuu noqdo birlab weyn oo labo cirif leh; waa sayniska barashada astaamooyinkaas.

dubdhexaad [m.l]
(c.nafl.) Lakab jinsi oo u dhexeeya dub duleedka iyo dub gudeedka, waxaana uu soo saaraa nudo isku-xidhayaal dhiiqa, muruqyada iwm.

dubduleed [m.l]
1. (c.nafl.) Lakab jinsiyeedka dusha ee uurjifka, kaasi oo u kora timo, ganjidho kala duwan iwm. 2. (baay.) Lakabkaugu sareeyo ee unugyada gasturulaha, kaas oo isku beddeli doona dubka sare ee maqaarka iyo habdhiska dareenwadka ee qaangaadhka.

duleedi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax la gaadayo gadaal ugu imaan. 2. Cid, cid kale uga hiilin.

duleedin [m.f.dh]
eeg duleedi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg