duluc
(m.l) (-cyo, m.dh)

1. Googgaradda haweenka xarigga kor uga jira oo lagu xiro marka la qaadanayo. 2. Googgaradda xaggeeda sare ee xarigga duluca ah la geliyo.

duluc
(m.dh)

1. Nuxurka hadalka. 2. Ujeeddada hadalka. Tus. “Dulucda hadalkiisu waa in dagaalka la joojiyo”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duluc

maangaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Qof wax uu rabo isaga oo aan sheegin fahmid. 2. Arrin laga hadlay dulucdeeda fahmid.

ujeeddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Macnaha looga danleeyahay hadal, fal, hadaf iwm. 2. Dulucda qoraal rasmi ah ama dood. ld ulajeeddo.

af [m.l]
(afaf, m.l) 1. (nax.) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd, luqad. 2. A. guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a. qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a. tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela siiba hadalka suugaanta.

afmaldah [m.l]
Hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ku dhex qarsoontahay.

ajeendo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Xusuusqor. 2. Arrin duluc gaar ah ka hadlaysa oo looga doodo shir iwm.

beerdulucsasho [m.f.dh]
eeg beerdulucso. ld beerdulacsad, beerdulacsasho, beerdulacsi, beerdul.

beerdulucsi [m.l]
ld beerdulucsasho.

beerdulucso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Qof wax laga rabo, ereyo debacsan oo shacuurtiisa lagu soo jiidanayo u jeedin. ld beerdulacso.

biyadhac [m.l]
1. ld biyadhaceen. (-cyo, m.dh) Qar sare oo biyaha qulqulaya ay ka daataan. 2. (-cyo, m.dh) Meel godan oo biyo qabatin leh oo qar, buur iwm ku hoos taalla. 3. (-cyo, m.dh) Go'aan; duluc; murti. 4. ld biyadhicid.

biyashuban [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bmay, -bantay; -bmi)
1. Meel ku wada shumbid. 2. Hadal ama arrin dulucdiisa meel isugu aruurmid.

dul [m.l] (-lal, m.l)
1. Labada dalool ee sanka middood. 2. Dalool kasta oo yar.

dul [m.dh] (-llo, ml.)
1. Oogada sare ee wax kasta leeyihiin. 2. Meel sare oo dhulka intiisa kale ka yara kacsan. 3. Sabir iyo adkeysi dhibaato loo yeesho.

dul [m.dh] (-llo, m.l)
(juqr.) Aad u fidsan, waa heer ama ugu badnaan heer meeleed oo dhul dheer, dhul sare ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg