duqsi
(m.l)Cayayaan, duula, laba baal iyo lix addin leh, meelaha wasakhada ka dhasha oo ka qayb qaata faafinta cudurrada. ld daqsi, diqsi, tixsi.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duqsi ↴
arday [m.l]
(arday/ardo, m.dh) 1. Qof tacliin nidaamsan oo sanado go'an iyo heerar kala duwan leh ku hawlan. 2. (dh.) Ilmo duqsi quraan dhigata.
cayayaan [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-nno, m.dh)
Bahallada yaryar, aan laf iyo dhiig lahayn oo leh lix ama siddeed lugood, oo ay ka mid yihiin kaneecada, caarada, duqsiga iwm.
daqsi [m.l]
ld duqsi.
dhuuryaan [m.l]
Jaad duqsi ka mid ah oo waaweyn.
diqsi [m.l]
ld duqsi, tixsi.
soor [m.l]
1. Cayayaan duula, afar baal leh, duqsiga u eg wax yarna ka weyn, xoolaha dhiigga ka nuugga oo cudur ku reeba. 2. Buntuq afkiisa mindi ka taagan.
tixsi [m.l]
ld duqsi.
duq [m.l] (-qey/-qeyti, m.dh)
1. (-qow, m.dh) Qof da'weyn. 2. (-qey/qeyti, m.dh) Qof bulsho madax u ah. 3. D. ah: wax gaboobay.
duq [m.l]
Biciid dheddig oo curad ah.
duq [m.dh]
1. Haweenay da'weyn. 2. Foorad, dhibic (cayaar).