durbaan
(m.l) (-nno, m.dh)(muus.) Qori xordan oo labadiisa af harag khafiif ahi ku dahaaranyahay oo ciyaaraha loo tumo, cod weynna bixiya. ld gurbaan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh durbaan ↴
taabuul [m.l]
(muus.) Magaca la siiyo durbaannada (nasar) loo adeegsado ciyaar-ta nuumbiga.
gaallisee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-seeyay, -seysay)
1. Durbaan la garaacayo tallaabo la helid. 2. Cid ku dul wareegid.
jabbu [m.l]
(muus.) Durbaan laba af ka daloola oo harag xallafsan ku rogan.
bowbow [m.dh]
B. dheh: codka durbaanka iwm. ay sameeyaan marka la tumo.
bullo [m.dh]
1. Ciyaar hiddaha iyo dhaqanka ka mid ah, ragga iyo haweenku wada ciyaaraan, leh jiib, jaan, buun, durbaan iyo biro la isku garaaco. 2. B. ah: midab fardood dambarka u eg.
dayaan [m.l]
1. Sharqan ama hugun weyn oo ka yimaada durbaan la tumayo, xoolo ama dad badan oo meel isugu yimid. 2. Cod dheer oo buuraha, daaraha, qararka iwm ay soo celiyaan markuu ku dhacay kaddib. ld daryaan¹, diryaan¹, diyaan¹.
dhabaq [m.l]
1. Sacab, durbaan iwm oo ciyaar, hees iwm loo tumay oo aan laysla helin. 2. Dhiin yar, baaldacarka fiiddiisa ku samaysma, sida malabka u macaan oo la cuno.
dhabaq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bqay, -baqday; -bqi)
Sacab, durbaan iwm oo hees, ciyaar iwm loo tumayo isla heli waayid.
durbaansan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax qaab durbaan leh ahaansho.
durba [m.dh.fk]
D./d.diiba: si degdeg ah, la raagis la'aan, ciyow.