durdur
(m.l) (-rro, m.dh)

1. Tog yar oo leh biyo joogto ahaan u qulqula oo aan go'in. 2. D. ah: Biyo si joogto ah u qulqulaya oo aan go'ayn.

durdur
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Biyo si joogto ah oo aan kala go'lahayn u socosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh durdur

jaamojoog [m.dh]
(c.nafl.) Shimbir midabbo badan, lugo dhaadheer iyo luqun dheer leh oo durdurrada iyo biyo-fariisiyada ku nool.

laag [m.dh] (-go, m.l)
(juqr.) Laag webi ama durdur oo ku biirisa biyaheeda webi weyn, isagoo kaga biyo daraya labada dhinac ama bar marinkiisa ka mid ah.

qaatime [m.l]
Orod gaar ah oo ay farduhu sameeyaan marka ay durdurinayaan.

balxo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-xaday, -xatay)
Cabbitaan laga dhergey ku noqnoqosho (dad); biyo badan, had iyo goor cabbid (xoolo); biyo durdurasho.

baraf-durduro [m.l]
(juqr.) Cuf baraf ah oo si tartiib ah hoos ugu dhaqaaqaya waadi dhexdiis, isagoo ka soo dhaqaaqaya meesha sare ee barafku ku samaysmay una socda xagga badda, waxa jiidayana waa xoogga cufisjiidadka.

birimbirqo [m.dh]
Boodbood iyo durduro ay sameeyaan weylaha; naylaha, waxaraha iwm marka ay barwaaqeysanyihiin. ld birimbirqayn.

biyajab [m.l]
Meesha biyaha webi, durdur, daad iwm ay ka kalago'aan.

dabbaan [m.l]
1. Webi, durdur iwm meesha ugu biyo yar ee lugta looga gudbi karo. 2. ld dabbaanid.

dabbaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
Webi, durdur iwm lug uga gudbid meesha ugu biyo yar.

daddil [m.l] (-llo, m.dh)
Xawayaanka inta dadka kula dagaalanta herdida, durdurada, xaraatida.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg