durid
(m.f.dh)eeg dur.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh durid ↴
cirbad-durid [m.dh]
(daaw.) Dawo ku mudid jirka ayadoo la isticmaalayo irbad iyo siriingi, sida badan dawada looga baqayo in ay jajabiso aasidhka caloosha.
deedifee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
Qof markhaantigiisa ama guddoonkiisa durid.
durdurid [m.f.dh]
eeg durdur².
mud [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Shay badanaa fiiqan meel ku turqid. 2. Cid daawo durid.
suuxi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Nafley wax miyir beelay ka dhigid. 2. Nafley daawo dareenka ka qaadda ku durid.
dur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax caarad dhuuban cid ku mudid. 2. Cid dawo cirbad ku siin. 3. Marag, dood, iwm. iin u yeelid.
dur [m.l]
1. Shilin, kumi iwm dhinaca aan sawirka lahayn. 2. Ciyaarta delebka, qoriga lagu ciyaaro dhiniciisa durka leh.