duugan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gmay, -gantay; -gmi)Wax la xabaalay noqosho.
duugan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-gnaa, -gnayd)Wax la xabaalay ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duugan ↴
baduugan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gmay, -gantay; -gmi)
Wax la baduuqay noqosho. ld baduuqan¹.
baduugan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)
Wax ka baduuqay ahaansho. ld baduuqan².
daanguur [m.dh]
Shimbir yar, bay ah, koox-koox u socota oo qodata gocosada iyo abuurka duugan.
duugmid [m.f.dh]
eeg duugan¹.
duugnaan [m.f.dh]
eeg duugan². ld duug-naansho.
qadduun [m.dh] (-uumo, m.l)
1. Shey duug ah oo aad u da'weyn oo waayihii hore lagu dhaqmi jirey. 2. Meel qof ama dad ku duuganyihiin; qabri. 3. Seef godan oo daab qori ah leh.
duug [m.l]
Wax muddo badan lagu dhaq- mayey.
duug [m.l]
(taar.) (qadiim) Waxay tilmaamaysa waayadii hore, xilliyadii Masaaridii hore, Giriiga, iyo Roomaanka.
duug [m.dh]
1. Xoolaha la qalo marka qof dhinto; axan; qoriqaad. 2. ld duugid.
duug [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax xabaalid. 2. Qof muruqyadu xanuunayaan u daliigid. 3. Harag iwm jilcin. 4. Geellisid.