erey
(m.l) (-yo, m.dh)

1. Dhawaaq kasta oo weer ka mid ah oo macne lagu garto gudbiya; kelmed. 2. Muran aan loo bogin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh erey

ma [qr.we]
1. Qurub tilmaama in ay su'aali saaran tahay ereyga uu weheliyo. Tus. “Cali ma yimid?”, “Ma Cali baa yimid?”, “Ma waxaa yimid Cali?”, “Ma waad imaanaysaa?”. 2. Qurub tilmaama in ay su'aali saarantahay erayga uu ku nudanyahay. Tus. “Goorma?”, “Inma?”, “Idinma?”, “Kuwama?”. 3. Qurub ka muuqda su'aal ee qof lagu dhiirigelinayo in uu fal sameeyo. Tus. “Maad iska celisid qofkaa?”.

qaab-dhuleed [m.l] (-bab ..., m.l)
(jool.) Erey mararka qaarkood lagu isticmaalo in lagu muujiyo qaabka dhulka.

laakiin [Xiriiriye | Conjunction]
(nax.) Erey xiriiriya laba tixood oo ulajeeddooyinkoodu is diiddanyihiin; illowse, ha ahaatee, hase yeeshee. Tus. “Waxaan ku iri wax ma haysto, laakiin ima aadan rumaysan”. ld walaakiin.

oomane-u-eke [m.l] (-yaal, m.l/dh)
(juqr.) Ereyo loo istiicmalo cimilada iyo deegaanta siday u kala horeeyaan gobollada cidhifyada lamadegaannada halkaasoo roob sannadeedku in yar badanyahay deegaantuna xoogaa ka filiqsantahay meelaha ku xiga, sida lamadegaanka kulul iyo safaanaha dhexdooda.

oraah [m.dh] (-ho, m.l)
1. hadal xigmad xambaarsan oo munaasabad ama waqti gaar ah loo adeegsado. 2. Ereyo la isu geeyey oo macna la fahmo sameeya. 3. Hadal. ld oroh.

qaamuus [m.l] (-syo, m.dh)
Buug lagu ururiyey ereyo badan oo af leeyahay oo isugu xiga sida alifka u kala horreeyo, eray walbana ay ku hor qoranyihiin macnihiisa, qaabkiisa iwm.

wadar [m.dh]
(nax.) Lidka ereyga kelid ah.

xaasha [Erey Dareen | Exclamation]
1. Xumo ka fog, ka dheer; taasna daa; maya. 2. Erey la yiraahda kolka wax loo bogo; baga!

xadaf [m.l]
(nax.) Goyn shaqal ka mid ah erey. Tus. “garab + o -> garbo”.

xadaf [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dfay, -daftay; -dfi)
Xaraf ama erey ka tegid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg