fallaago
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)1. Dad hubaysan oo dawlad ka fakaday oo duur ku jir ah; burcad. 2. Nin f. ah: qof ka mid ah dad hubaysan oo burcad ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fallaago ↴
fallaagad [m.dh] (-do, m.l)
Naag fallaago noqotay.
fallaagee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-geeyay, -geysay)
1. (f.g) Cid fallaago ka dhigid. 2. (f.mg) Cid fallaago noqosho.
fallaagoobid [m.f.dh]
eeg fallaagow.
fallaagow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Fallaago noqosho.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg