falxad
(m.dh)Wax la abshireysto oo nasiib wanaagsan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh falxad ↴
bayaxaw [m.dh]
1. Xiddigta u dhexeysa garbo iyo gudban. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Qof ama xoolo falxad ah.
boohaar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Cabbir u gaar ah beeyada oo u dhigma afar kiintaal. 2. Falxad. 3. B. ah: nafley aad u xoog badan.
maro-masaar [m.l]
1. Wiil, gabadh dabakeen ah ku mataansan oo la aaminsanyahay in uu falxad yahay. 2. Wan ama waxar dabakeen ku mataansan.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg