faraati
(m.l) (-iyo, m.dh)1. Shay farta la gashado xarrago darteed. 2. Ilmasidaha afkiisa (minka).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh faraati ↴
faraatikeen [m.l]
Keenidda ilmasidka geelu foodda soo muujiyo.
hilqad [m.dh] (-do, m.l)
1. Biro sida faraatiga u galgaloolan oo daahyada iyo qoriga lagu xirayo isku haya. 2. Dhegaha dumarku ay qaataan middood. 3. Fadhi dad badan si wareeg ah u fadhiyaan. 4. Summad xoolaha lagu dhigo.
kaatuun [m.l] (-uummo, m.dh)
Shay ka samaysan badanaa macdan qaali ah oo qurux darteed faraha gacmaha loo gashado; marwad, faraati, fargashi. ld kaatun.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg