fariisasho
(m.f.dh)

eeg fariiso. ld fadhiisad, fadhiisasho, fariisad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fariisasho

yoxoob [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Si kadaloob ah u fariisasho.

bahardaac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Si kala daadsanaan leh muddo badan meel u fariisasho.

bahardaaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Is b.: si kala daadsanaan leh muddo badan meel u fariisasho.

banfariisasho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld danfariisasho.

baradhacso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Si kala daadsanaan ah u fariisasho (qof).

danfariisasho [m.f.dh]
eeg danfariiso. ld banfariisad, banfariisasho, danfariisad.

deg [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. (f.g) Meel rug ah dhigasho (cid). 2. (f.g) Wax duulayey fariisasho. 3. (fg.) Xabbad turub ah bad dhigid. 4. (f.mg) Wax, biyo hoos ugu shiidid. 5. (f.mg) Dhul, webi iwm heerkooda hoos uga dhicid. 6. (f.mg) Wax isku qasan kala miirmid. 7. (f.mg) Wax kacsan xasilid. 8. (f.mg) La d.: cid khasaaro badid. 9. (f.mg) Ku d.: cid marti u noqosho.

dhiidhiib [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Fadhi luguhu u fidsanyihiin fariisasho (qof).

dhiidhiibso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Qof isagoo fadhiya lugaha fidsasho; dhiidhiib u fariisasho.

dhinacfariisasho [m.f.dh]
eeg dhinacfariiso.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg