fariisi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Wax salka dhul u dhigid. 2. Cid fadhi ku soo dhaweyn. 3. Ka f.: cid shaqo ka joojin. 4. Caano iwm garoorin. ld fadhiisi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fariisi

arrumo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-untay, -umatay)
Neef geel ah oo taagan fariisisasho.

arrun [m.l]
Fariisisinta neef geel ah oo taagan la fariisiyo. ld arrumid.

arrun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-umay, -untay; -umi)
Neef geel ah oo taagan fariisin.

balli [m.l]
(balli /-iyo, m.dh) Biyo fariisin dabiici ah, yara godan oo roobku biyeeyo.

banfariisi [m.l]
ld danfariisi¹.

banfariisi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld danfariisi².

biyafariisin [m.l] (-nno, m.dh)
Dhul godan oo biyo qabatin leh. ld biyafariisad.

danfariisi [m.l]
Xoolo meel aan xero ahayn lagu bariisiyey. ld banfariisi¹.

danfariisi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Xoolo meel aan xero ahayn ku baryid. ld banfariisi².

danqaaro [m.dh]
Nooc cawska dhaadheer ka mid ah oo meelaha biyo fariisinka ah ka baxa. ld danqaare.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg