farraar
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine) (-rro, m.dh)

Labada ganood ee ul, hangool, iwm hal cirif ku leeyahay midkood. ld faraar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh farraar

saalimow [m.l]
Hangool yar oo gadaal farraarro dhawr ah ku leh oo madow, loona subko oo suufiyada qaarkood qaataan.

udub [m.l] (-dbo, m.l)
1.Tiir xooggan, farraarro leh oo dhismaha aqal soomaaliga lagu adkeeyo. 2. Tiirar badan oo meel wada yaal. 3. Summad geela lagu dhigo, qaab udub kor u jeeda ah leh oo meelo kala duwan looga dhigo; kabaal. 4. Dhigo.

cirjeex [m.dh]
Meereyaasha kan ugu weyn oo u dhexeeya farraare iyo raage; mushtar. ld cirjiir.

daddaab [m.l] (-bbo, m.dh)
1. Qalab farraaro leh oo malabka lagu soo bixiyo. 2. Sidde loo sameeyo weelasha gadawga leh.

faraar [m.l]
ld farraar.

fargan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Qori yar, farraaro leh oo labadiisa farraar isugu xiranyihiin cijir laga gamo quruurux, fud iwm; farlaash. 2. Ciyaar carruureed.

farraarre [m.l]
Meereeyeyaasha u dhexeeya dhulka iyo cirjeexda midkood; Mariikh.

labafarraarle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Ul gadaal laba ganood ku leh. ld labatarre.

mariikh [m.l]
(c.fal.) Meerayaasha mid ka mid ah oo u dhexeeya dhulka iyo mushtarka; cirjeex; farraarre.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg