farsamee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-meeyay, -maysay)

Hawl tab iyo aqoon u baahan qabasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh farsamee

bisayl [m.l]
1. Cunto dab lagu farsameeyey oo gaartay heerkii lagu cuni lahaa. 2. Miro iwm marka ay gaaraan heerkii lagu cuni ama la guran lahaa. 3. Waaya-aragnimo dheeraad ah oo la yeesho. 4. ld bislaan.

cidaad [m.dh] (-do ml.)
Meyrax jilcan, si gaar ah loo farsameeyey oo weelasha la culay lagu nadiifiyo.

farsamayn [m.f.dh]
eeg farsamee.

farsamaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax la farsameeyey ahaansho.

geedaqorid [m.dh]
Habka loo farsameeyo geedah.

habsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-amaa, -amayd)
Wax si fiican loo farsameeyey ahaansho.

habxun [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-umaa, -umayd)
1. Wax aan si habboon isugu dubaridnayn ahaansho. 2. Qof si aan wanaagsanayn wax u farsameeyey ahaansho.

muraayad [m.dh] (-do, m.l)
1. Cad dhalo ah oo inta dhinac laga mariyo dheeh lacageed iwm layska arko; madarad; beladdaye. 2. (m.w) (-do, m.l) Laba dhalo oo si ah loo farsameeyey oo ku dhex jira bir ama caag wareegsan oo indhaha la gashado,si loo saxo indho arag diciif ah leh, ama looga celiyo nuurka xooggan ee qorraxda; okiyaale. ld miraayad, miraayo, muraayo.

naduur [m.l] (-rro, m.dh)
Waabka birtumuhu fariisto oo birta ku farsameeyo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg