faruur
(m.l)Cirir.
faruur
(m.dh) (-ro/-ryo, m.l)1. Labada bushumood oo afka nafleyda middood. 2. (daaw.) Kala jeex faruurta sare ku sameysma iin awgeed.
faruur
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)1. Hoore (sida biyaha iwm) marin u dillaacin. 2. Bushin dillaacin.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh faruur ↴
bah [m.dh] (-ho, m.l)
1. Naago nin qabo middood iyo carruurteeda. 2. Isku b. ah: carruur hooyo keli ahi wada dhashay. 3. Xiddigo dayaxu maro oo u dhexeeya xoor iyo faruuryo. ld baho.
baho [m.l]
(c.fal.) Uruur xiddigaha ka mid ah oo u dhexeeya Xoorka iyo Faruuryaha. ld bah.
bakayle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Naasley yar, dhirxagatada ka mid ah, leh dhego dhaadheer, dhogor jilicsan oo badan iyo bushin kore oo faruuran, oo habeenkii mirato.
balafbalafsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Faruuryaha ka b.: biyodiid awgiisa faruuryaha la ruxid.
burshintuur [m.l]
1. Xarig yar oo lagu dhuujiyo faruurta kore ee geela si uu socodka u dheereeyo. 2. ld burshintuurid.
burshintuur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Jeexa faruurta kore ee geela xarig yar ku dhuujin si uu socodka u dheereeyo. ld bushintuur².
dacay [m.l]
Xarig yar oo xoolaha qalka ama faruurta hoose looga xiro si loo xukumo.
dhafaruur [m.l]
Geed gaab laamo dhuudhuuban oo miro hurdi ah macaan oo la cuno leh.
dhanfaruur [m.dh]
ld dhafaruur.
dibin [m.dh] (-bno, m.l)
Labada cad oo hilibka ah oo ilkaha iyo cirridka korkooda ku yaal, oo afka daboola, ereyadana codeeya middood; bushin; faruur. ld debin.