fax
(Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone)

F. ka dheh: dhidid, nabro iwm si lama filaan ah hal mar ay soo wada baxaan.

fax
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday)

Dhidid, nabro iwm si lama filaan ah hal mar ay soo wada bixid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fax

laacayaal [m.dh]
(bot.) Mid ka mid ah qaybaha ubaxa taas oo samaysa korollaha. Laacayaasha dhirta cayayaanku faxliyey had iyo jeer aad ayey u ifaan, badanaana way udgoonyihiin.

tafaxaydasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tafaxaydo.

tafaxaydo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-yday, -ydatay)
Maro la xiran yahay kor u laabasho.

unfaxyee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Neef ari ah unfaxyo keenid.

unfaxyeyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg unfaxyee.

unfaxyo [m.dh]
Dhiig ka yimaada neef ari ah oo bilihii ugu horreeyay dhiciyay.

awrdhaw [m.l]
1. Rimmay gacmeeda lagu sameeyo geedaha aan labeebka ahayn sida timirta; faxlid. 2. ld awrdhebid.

awrdhaw [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dhabay, -dhabday; -dhabi)
Geedaha aan labeebka ahayn sida timirta iwm rimay gacmeed ku samayn; faxlid.

bacrimane saygot [m.l] (-ooyin ..., m.l)
(baay.) Gaamayt dheddig oo bacrinsan: waa maxsuulka is kudarsanka bu'da ugxanta iyo xawada ama boodh faxalka.

facshar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Ceeb iyo sharafdhac weyn. 2. ld facsharid. 3. Kashifaad. ld faxshar¹.

f [m.dh]
(fa') Xarafka lixaad ee xuruufta afka soomaaliga, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg