feynuus
(m.l) (-syo, m.dh)Qalab guryaha lagu iftiinsado leh sal gaas lagu shubo, gal quraarad ah iyo liifad holacda. ld faanuus.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh feynuus ↴
daar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax shidid (dab); wax ifid (nal, feynuus iwm). 2. Taabasho; maagid; daandaansi. 3. Qof dilid; qof rayd.
daaran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
1. Wax la shiday noqosho (dab); wax la ifay noqosho (nal, feynuus iwm). 2. Wax hadlay ama muuqday noqosho (raadiyo, telefishan iwm).
daaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Wax la shiday ahaansho (dab); wax la ifay ahaansho (nal, feynuus iwm). 2. Wax hadlay ama muuqday ahaansho (raadiyo, telefishan iwm).
dubaalad [m.dh] (-do, m.l)
Tidic dun ah oo la geliyo feynuusta, matramakiska, fadiisha iwm oo marka la shido iftiin iyo olol bixiso; liifad.
faanuus [m.l]
ld feynuus.
laciifi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax laciif ka dhigid (nafley, feynuus iwm). ld daciifi, liciifi.
liifad [m.dh] (-do, m.l)
1. Tidac dun ah, la geliyo feynuusyada gaaska oo marka la shido bixiya iftiin. 2. Bir yar, buntuqa afkiisa hore ku samaysan oo wax lagu shiisho.