fiirus
(m.l)

(baay.) Noole yaryar oo aan lagu arki karin mikariskoobka caadiga ah oo keena cudurro halis u ah xoolaha, dadka iyo geedaha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fiirus

caabuq [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka caloosha iyo mindhicirka sida badan waxa keena fiirus ama baktiiriya ama cunno sumow; wuxuuna keenaa matag iyo shuban.

raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir xanuun, qandho, dhibaato neefsashada, dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo. Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri dhexdood.

onkojiin [m.l] (-nno, m.dh)
(baay.) Jiin ay leeyihiin fiirusyadu iyo unugyo naasley oo keeni kara kansar.

bakteeriya-ciijiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(baay.) Fiirus jajabiya bakteeriyada.

beer holac [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka beerka oo uu keeno fiirus, sun ama difaac jireed oo aan cadi ahayn.

biyo galo [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka maqaarka oo uu keeno fiirus waxaana lagu yaqaan finan yaryar oo biyo ku jiraan.

dabeyl [m.dh] (-lo, m.l)
(daaw.) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. ld dabayl¹ (5).

dalqoholac [m.l]
1. (daaw.) Halaamacoodka dalqada iyo xargaha codka waxa keena baktiiriya, fiirus ama walax kimikaad iwm. 2. (daaw.) Halaamacoodka cunaha qaybta dhabxanagga ka dambeysa. Waxay sameysaa cuno xanfaf waxana sida badan la socda quman.

duray [m.l]
(daaw.) Cudur fiirus keeno oo dunida oo dhan ku faafsan kaas oo keena halamacoodka sanka, cunaha iyo dhuumaha neefta. Cudurka waxa la isku qaadsiiya qufaco iyo hindhisada.

eydhis [m.l]
(daaw.)(AIDS) Cudur uu keeno fiirus wuxuuna ku yimaadaa fiiruska oo baabi'ya qaybhoosaad ka mid ah unugyada “linfosaytis” la yiraahdo taaso keenta hoos u dhicid difaaca jirka. E.ku, sida badan, wuxu ka mid yahay cudurrada galmada.

fiir [m.l]
Nacayb loo muujiyo nafley meel ku cusub.

fiir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Nafley meel ku cusub nacayb u muujin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg