fikir
(m.l)

ld feker¹.

fikir
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

ld feker².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fikir

baxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax kulansaday qurux, wanaag caqli dheeraad ah ahaansho (qof). 2. Wax is hanashadii ay khamro, caro, fikir dheer iwm ay ka lumisay ahaansho (qof). 3. Kala b.: derin iwm wax fidsan ahaansho.

braagmatiismaha [m.l]
Hab loo fikiro ama ku saabsan dhibaatada ficil ahaan, oo aan ahayn dariiq aragtiyeed..

calooshi-lacayaar [m.l]
(calooshood-lacayarro, m.dh) Qof maalintaas hantidiisu sida ay tahay u dhaqma oo aan mustaqbalka ka fikirin.

feker [m.l]
(afkaar, m.dh) 1. Garasho. 2. Wax qofka maskaxdiisa ku soo dhaca oo uu iskula hadlo. ld fakar¹, fikir¹.

feker [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Fikrad raadin. 2. Wax maan ku hayn. ld fakar², fikir².

fekerid [m.f.dh]
eeg feker². ld fakarid, fikirid.

fekersan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax fekeraya ahaansho. ld fakarsan, fikirsan.

fekersanaan [m.f.dh]
eeg fekersan. ld fakarsanaan, fakarsanaansho, fekersa-naansho, fikir.

fekersii [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Ka f.: qof feker ku abuurid. ld fakarsii, fikirsii.

fekersiin [m.f.dh]
eeg fekersii. ld fakarsiin, fikirsiin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg