filin
(m.l) (-mmo/aflaam, m.dh)

1. Daliig dheer, dhuuban, xalleefsan oo dusha laga mariyo maaddo dareemi og iftiinka oo wax lagu sawiro. 2. Muuqaallo sawirro ah, dhaqdhaqaaqa hadala oo la daawado. 3. Fagaaraha lagu daawado aflaanta; shaneemo. ld filim.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh filin

aflaam [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg filin. ld.aflaa.

aflaan [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg filin. ld.

bule [m.l] (-layaal, m.dh)
Qof habeeya ama isku duwa hawsha riwaayadda ama filinka.

filfilin [m.f.dh]
eeg filfili.

filim [m.l]
ld filin .

muqaal [m.l]
(riw.) Qayb ka mid ah riwaayad ama filin.

muuqaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Muug. 2. Waxa la daawado oo dhan sida filinka, masraxiyadda iwm.

qalanjo [m.dh] (-ooyin, ml.)
1. Maroodiga dheddig. 2. (riw.) Haweeney jisha qeybta ugu muhiimsan ee filin ama riwaayad. 3. Naag aad u qurux badan.

shineemo [m.dh] (-ooyin. m.l)
1. Golaha filimada lagu daawado. 2. Filin. ld sinee-mo.

fil [m.l]
1. Wadarta sano ee noole jiro. 2. Da', cimri. 3. La f.: isku da'ah; isku gu'yaal jira.

fil [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ilay, -ishay)
1. F./u f.: wax malayn. 2. Wax rajayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg