filiq
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-lqay, -liqday; -lqi)

Wax sayrin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh filiq

kaahin-dulmadow [m.dh]
(fiis.) Kaahinta kuleed ee ay dulmadow bixiso heer kasta ee heerkul, lehna filiqsanaan tamareed oo leh muuqaalka jeegaanta.

oomane-u-eke [m.l] (-yaal, m.l/dh)
(juqr.) Ereyo loo istiicmalo cimilada iyo deegaanta siday u kala horeeyaan gobollada cidhifyada lamadegaannada halkaasoo roob sannadeedku in yar badanyahay deegaantuna xoogaa ka filiqsantahay meelaha ku xiga, sida lamadegaanka kulul iyo safaanaha dhexdooda.

baalentoloji [m.l]
(taar.) Barashada noolayaashii dabar go'ay, dhismahooda, degaankooda, tadawurkooda iyo filiqsanaantooda, sida ay muujnayaan hadhaaga raadkoodu.

bayooloji [m.l]
Barashada noolaha, kaas oo ay ka mid yihiin dhismahooda (gudaha iyo dibadda), shaqadooda, isirkooda iyo tadawurkooda, abla'ablayntooda, xidhiidhka iyaga ka dhexeeyo iyo filiqsanaantooda.

botani [m.l]
Barashada cilmiyaysan ee dhirta oo ay ka mid yihiin anatamiga, morfoolojiga, bayookimistariga, abla-ablaynta, saytoolajiga, hiddo-barashada, ikoolojiga, tadawurka iyo filiqsanaantooda juqraafiyeed.

cilmiga filiqsanaanta xayawaanka [m.l]
(c.nafl.) Barashada filiqsanaanta xayawaanka dhulka Oogadiisa.

dabayl-joogta [m.dh] (-lo ..., m.l)
(c.cimi.) Ku filiqsanaanta guud ee dabaysha gibilka hoose, tasoo, waxa sababay kaah, qorraxeedku, u dhisan sida meere meeraysanaya oo leh gibil.

filiqsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la filqay ahaansho. ld firiqsan.

filiqsanaan [m.f.dh]
eeg filiqsan. ld filiqsanaansho, firiqsanaan, firiqsa- naansho.

fil [m.l]
1. Wadarta sano ee noole jiro. 2. Da', cimri. 3. La f.: isku da'ah; isku gu'yaal jira.

fil [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ilay, -ishay)
1. F./u f.: wax malayn. 2. Wax rajayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg