filiqsanaan
(m.f.dh)eeg filiqsan. ld filiqsanaansho, firiqsanaan, firiqsa- naansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh filiqsanaan ↴
kaahin-dulmadow [m.dh]
(fiis.) Kaahinta kuleed ee ay dulmadow bixiso heer kasta ee heerkul, lehna filiqsanaan tamareed oo leh muuqaalka jeegaanta.
baalentoloji [m.l]
(taar.) Barashada noolayaashii dabar go'ay, dhismahooda, degaankooda, tadawurkooda iyo filiqsanaantooda, sida ay muujnayaan hadhaaga raadkoodu.
bayooloji [m.l]
Barashada noolaha, kaas oo ay ka mid yihiin dhismahooda (gudaha iyo dibadda), shaqadooda, isirkooda iyo tadawurkooda, abla'ablayntooda, xidhiidhka iyaga ka dhexeeyo iyo filiqsanaantooda.
botani [m.l]
Barashada cilmiyaysan ee dhirta oo ay ka mid yihiin anatamiga, morfoolojiga, bayookimistariga, abla-ablaynta, saytoolajiga, hiddo-barashada, ikoolojiga, tadawurka iyo filiqsanaantooda juqraafiyeed.
cilmiga filiqsanaanta xayawaanka [m.l]
(c.nafl.) Barashada filiqsanaanta xayawaanka dhulka Oogadiisa.
dabayl-joogta [m.dh] (-lo ..., m.l)
(c.cimi.) Ku filiqsanaanta guud ee dabaysha gibilka hoose, tasoo, waxa sababay kaah, qorraxeedku, u dhisan sida meere meeraysanaya oo leh gibil.
filiqsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld filiqsanaan.
filiqsanaanta-qawmiyadaha [m.dh]
(juqr.) Barashada sayniseed ee fliqsanaanta goboleed ee faracyada ama jinsiyadaha bani-aadamka iyo dhaqamadooda.
firiqsanaan [m.dh]
ld filiqsanaan.