fircoon
(m.l)

1. Magac boqorradii Masaaridii hore. 2. F. ah: qof naxariis la'.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fircoon

maalin firfircoone [m.l] (-ayaal, m.l/dh)
Waxaa lagu sharxa noolayaasha aad u firfircoon maalintii. Tus. “Noolayaashaasi cuntadooda waxay raadsadaan maalintii”.

firfircoon [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof hawl iwm u dhiifoon ahaansho.

firfircoonaan [m.f.dh]
eeg firfircoon. ld firfircoonaansho, firfircooni.

firfircoonaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld firfircoonaan.

firfircooni [m.dh]
ld firfircoonaan.

gudbin-firfircoon [m.l]
(baay.) Socodka walxahu ay kaga gudbiyaan xuubabka unugyo nool, inta badan wuxuu ka soo horjeedaa ribnaanta tiro: waa dariiqad u baahan tamar dheefsasho.

habeen firfircoone [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
Noolayaasha firfircoon habeenkii; xayawaanka noocan ahi wuxuu cuntadiisa raadsadaa habeenkii.

indhafircoon [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
ld indhafirqoon.

indhafircoonaan [m.dh]
ld indhafirqoonaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg