firfircooni
(m.dh)

ld firfircoonaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh firfircooni

caajis [m.l] (-siin/-syo, m.dh)
1. Firfircooni la'aan; wahsi; daal. 2. C. ah: qof hawl nacayb, wahsi badan. ld cajis¹. cajis

boromiin [m.dh]
(kiim.) Curiye hoor ah oo guduudan, firfircoonidiisuna heer dhexe tahay, kana tirsan haloojinnada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).

fahmaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax farxad, fudayd iyo firfircooni dareensan ahaansho.

fahmayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Qof wax farxad iyo firfircooni geliya samayn.

fahmo [m.dh]
1. Garashada si sahlan wax loo garto. 2. Farxad iyo firfircooni. ld fahmad.

fibrinojiin [m.l]
Borotiinta ku milan balaasmada dhiigga, taas oo marka si habboon loo firfircooniyo isu beddesha miiqaq fibrin oo aan milmayn.

firfircoonaan [m.f.dh]
eeg firfircoon. ld firfircoonaansho, firfircooni.

fudayd [m.l]
1. Culaysyaraanta wax leeyihiin. 2. Dabci wax ka fiirsasho la'aaneed oo qof ku sifoobo. 3. ld fududaan. Firfircooni.

isnoolee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
1. Karti iyo firfircooni isu yeelid. 2. Is nafaqay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg