firi
(m.dh)

Abuur, iniin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh firi

ebinefiriin [m.l] (baay.)
Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.

xaabso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax firirsan oo meel wada yaal mar wada qaadasho.

yaacsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Dad, duunyo ama qalab wax kala firirsan ahaansho.

kaafiriin [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg kaafir.

qaafiri [m.l] (qaafiri/-iyo, m.dh)
Baaquli.

saafirid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg saafir.

ururso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax kala firirsan meel isugu keensasho. ld aruurso.

yoofil [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Timo aan la firin ee si xun ku dheeraada; yoos; baabbul; hoolif.

aruur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax kala firirsan meel isugu tegid. ld urur³, uruur.

aruuri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax kala firirsan meel isugu geyn. 2. Ku a.: wax, wax kale ee ugu geli karo ku libdhin. ld ururi, uruuri.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg