firiiric
(m.l)Nabarro yaryar oo jirka dadka ka soo baxa waqtiyada kulaylka ah; roobsugow. ld furuuruc.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh firiiric ↴
ciir [m.l]
1. Firiiric yaryar oo oogada nafleyda ka soo yaaca. 2. ld ciirid.
furuuruc [m.l]
ld firiiric.
qandho-baaratifo [m.dh]
(daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo uu keeno baktiiriyada salmonella baaratiifay: (A, B, iyo C). Baktiiriyada waxay ku badantahay saxarada bukaannada cudurkaas qaba iyo kuwa cudur sidayaasha ah oo aan bukin - wuxuuna cudurkaasu dillaaca markii nadaafad xuma u badato ama si aan fayodhowr lahayn oo cunno loo aqoolo. Kalhuuriska oo ah 1-10 maalmood, ka dib astaamo ay ka mid yihiin; shuban, qandho ladifan iyo firiiric ka soo baxa laabta, ayaa bilowda waxayna socdaan muddo toddobaad ah.
xaraarad [m.dh]
1. Firiiric yaryar oo jirka dadka ka soo baxa waqtiyada kulaylku jiro. 2. Tebidda la tebo wax loo baahanyahay sida shaaha, jaadka, sigaarka iwm. ld xaraa-radow¹.