gado
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-atay, -adatay)Badeeco lacag ku baddalasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gado ↴
faa'iido [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Munaafacaad dheeraad ah oo wax loo hawl galay laga helo. 2. Badeeca marka la gado, inta raasumaalkii hore ku kororta. ld faa'ido, feydo¹. faa'ido, feydo
raadgado [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-atay, -adatay)
Cid si aan raadkeeda loo arkin u socosho.
taariifo [m.dh]
Qaymaha badeecadda loo gooyo oo lagu gado.
dukaan [m.l] (-nno/-ammo, m.dh)
Qol khaanado alaabta la saaro leh oo cuntada, dharka iwm lagu gado.
gadasho [m.f.dh]
eeg gado.
gadoob [m.l] (-byo, m.dh)
1. Saabley. 2. Qaybta dambe ee lafdhabarta. 3. Weel aan buuxin.
gadood [m.l]
1. Lo'gisi iwm weeyraxa ay sameeyaan. 2. Kacdoon dad badani sameeyaan, iyagoo si adag uga dhiidhiyaya wax ay diiddanyihiin. 3.ld gadoodid. ld gedaad¹, gedood¹, gidaad¹.
gadood [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Lo'gisi iwm weyrixid. 2. Dad badan, wax ay diiddanyihiin si adag uga dhiidhiyid. ld gedaad², gedood², gidaad².
gadoodid [m.f.dh]
eeg gadood². ld gadood¹, gedaad¹, gedaadid, gedood¹, gedoodid.