gafuur
(m.l) (-rro, m.dh)Afka iyo sanka nafleyda.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gafuur ↴
jaabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
1. Jaabo aruurin. 2. Laab hoggaanka ka mid ah oo ratiga gafuurka loo geliyo si loo hoggaamiyo. ld jaabajaabee. jaabajaabee
afdhuubyaale [m.l]
Hab geela aarankiisu u ordo isagoo luqunta hore u dhiibanaya gafuurkana dhuubaya. ld afdhuubyaalayn.
cantalyaa [m.l]
Nooc ka mid ah haadda waaweyn oo leh gafuur dhuuban oo dheer, lugo dhaadheer iyo guluc laallaadda oo uu cuntada ku rito; baambow. ld candallaa, cantallaa, cantalay.
foolmaroodi [m.l]
Labada ilig ee dhaadheer ee maroodiga gafuurkiisa ka taagan.
gabsas [m.dh]
(c.nafl.) Naasley yar oo gafuur dhuuban, dabo dheer oo duf badan iyo midab casaan xigeen ah leh oo ku nool meelaha jiqda ah; saangur.
gafuurtaag [m.l]
1. Kibir iyo isla weyni wajiga ka muuqda. 2. ld gafuurtaagid.
gafuurtaag [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Kibir iyo isla weyni weji ka muujin.
gafuurtaagid [m.f.dh]
eeg gafuurtaag². ld gafuurtaag¹ (2).
hobbobboro [m.dh] (-ooyin, m.l)
Jaadadka neberiga mid ka mid ah oo yar oo caano leh; waxay leedahay gafuur afka shinbiraha u qaab eg oo qalka kore keliya ilko ku leh, hilibkana waa ay cuntaa. ld hoonbaro.